XOG: JUBBALAND oo sheegtay in aysan khuseyn habraaca doorasho oo ay DF Somaliya soo bandhigtay (Ogow Wax badan)!

0

Kismaayo (Halqaran.com) – Kadib markii Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federalka Xukuumadda Soomaaliya ay soo saartay habraaca doorashada Xildhibaanada iyo Madaxweynaha Jubbaland, ayaa arrintaasi waxaa ka soo horjeestay Maamulka Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh ayaa sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federalka Somaliya inuusan khuseyn Maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay Jubbaland inay ka dhacdo doorasho Madaxweyne, islamarkaana ay dhiman tahay oo kaliya maalmaha soo socda in la qabto caleemo saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulkaasi.

Dowladda Federaalka ah ayuu ku eedeeyay in aysan u tureyn dadka ay mas’uulka ka tahay waxaana uu ku dhaliilay in markii ay dowladda dhexe timid illaa hadda aysan wax turis ah u sameeyn dadka rayidka ah.

Jubbaland ayaa hadda waxaa ay leedahay Baarlamaan & Madaxweyne, waxaana qorshaha uu yahay in maalmaha soo socda Kismaayo lagu caleemo saaro Madaxweynaha Jubbaland ee dib loo doortay Axmed Madoobe.

DF Soomaaliya ayaa si wayn u dhaliilsan doorashada Jubbaland, waxaana taasi ay keentay dagaal siyaasaded oo adag inay la galaan Madaxweynaha Maamulkaasi illaa Magaalada Kismaayo xayiraad ay ku soo rogtay dowladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here