XOG: Ma run baa in Ilhaan Cumar ay maxkamad u gudbisay codsi ay ku dalbaneyso furriin?

Ilhaan Cumar iyo Seygeeda Axmed Xirsi

Minnesota (Halqaran.com) – Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha gobolka Minnesota ee ay Soomalidu ku badantahay ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi.

Ihaan ayaa maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

Iamaanahan ayaa isguursaday sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, iyaga oo dib isugu laabtay sanadkii 2018-kii.

“Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay xildhibaan Ilhaan u gudbisay maxkamadda.

Ilhan ayaa sheegtay inay baadi goob ugu jirto sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Burburka iyo khilaafka soo wajahay lamaanahan ayay waayihii dambe diiradda ku hayeen warbaahinta Mareykanka iyo siyaasiyiinta dhaleeceeya siyaasadaha xildhibaanad Ilhaan.

Ilhan Cumar ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *