Wararka Maanta

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliland oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Magaalada Hargeysa kula kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo xubno uu horkacayay.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Hargaysa ayaa waxay labada dhinac uga wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee Somaliland kala dhaxeeya Midowga Yurub iyo dardargelintiisa.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday, sidii ay isaga kaashan lahaayen mashaariic horumarineed oo Midowga Yurub uu ka fulinayo Somaliland iyo diyaargarowga Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay in uu bixiyo wixii kaalmo ah ee uu kaga qayb qaadanayo qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Midowga Yurub kaga mahadceliyay xiriirkooda wanaagsan iyo taageerada ay markasta siinayan Somaliland, oo mashaariicda ay qayb ka tahay.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo Madaxweynaha Somaliland ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

<

Post Comment