Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

TOP NEWS: Musharrax ODAWAA: ‘‘Farmaajo dowladiisa kama rabo inay xil ii magacawdo‘‘!

Musharrax Cabdiraxmaan Odawaa

Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo oo ah musharax u taagan Xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug, oo Muqdisho kula Kulmay aqoonyahanadda Galmudug ayaa sheegay in laga soo gudbay xiligii  la soo magacaabi jiray Guddoomiye Gobol.

Mr. Odawaa oo u muuqda mid weeraraya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan uu Dastuurka caddeeyay.

Dhanka kale, Xildhibaan oo ka hadlay wararka ku aadan in dowladda aysan rabin isaga, ayaa sheegay in cid taageeradda uu ka rabo ay yihiin Reer Galmudug aysan aheyn Farmaajo iyo Dowladiisa.

“Soomaaliya waa ka soo gudubtay waqtigii la magacaabayay Guddoomiye Gobol, dowlad goboleedyo ayaa la sameeyay, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan dastuurka ayaa sheegay, cid cid u baahan ma jirto oo leh kulama shaqeynayo, wada shaqeynta ma ahan jaceyl iyo naceyb, waa arrin dastuuri ah, cidii ku xadgudubka dastuurka ayaa gardaran haddii ay tahay dowladda federaalka iyo haddii dowlad goboleedyada beryahan waxaa arkay ayadoo la leeyahay dowladda Federaalka kuma rabto, anigaba maba rabo inay i magacawdo, dowladda Federaalka cod kama rabo, codkiina ayaa rabaa idinka in aad ii codeysaan, aniga Farmaajo inuu Guddoomiye Gobol iga dhigo kama raadsan, ma rabo‘‘, ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Odawaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

<

Post Comment