WAR CUSUB: Cabdi-rashiid Xidig oo Lix Su’aal hor-dhigay madaxweynayaashii hore ee ku sugan Kismaayo +(Ujeedka)!

0
Cabdirashiid Xidig /Sawir Hore/Keydka Halqaran.com
Cabdirashiid Xidig /Sawir Hore/Keydka Halqaran.com

Kismaayo (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ayaa Lix Su’aal weydiiyay madaxda Kismaayo isugu tagtay.

Mr. Xidig ayaa weydiiyay Mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo dhammaantood waxay ka sameyn lahaayeen haddii doorashada 2021 madaxweyne Farmaajo uu is -caleema saaro ama uu ku dhawaaqo in la doortay sida Axmed Madboobe.

Haddaba halka Hoose ka Akhriso Qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebookiisa.

1: Dhamaantiin waxaad isu garab ordaysaan ololaha Doorashada Federaalka ee 2021 Ma aqbaleysaan hadii Farmajo idinkoo guryihina jooga ku dhawaaqo In la doortay sidii Axmed madoobe:

2: ma aqbaleysaan In Farmajo 3 magac loo keeno oo midkuu hubo inuu dooranayo xildhibaan ka dhigo sida Axmed madoobe:

3: Ma aqbaleysaan In odaygii dhaqanka ee aan Farmajo taageersaneyn inuu liiska dhaqanka ka saaro oo mid isaga taageersana uu ku bedesho sida Axmed madoobe:

4: Ma aqbaleysaan In shuruudaha Madaxweynuhu noqdaan kuwo lagu cabiray oo u adeegaya farmaajo oo kaliya murashaxiinta kale oo dhana meesha ka saaraya sidii Axmed madoobe:

5: Ma aqbaleysaan in farmaajo murashaxiinta u diido inay airporka kasoo degaan, ololeeyaan ama is diwaan geliyaan sidii Axmed madoobe:

6: Ma aqbaleysaan In warqada kama danbeysta ee fasaxa murashaxiinta uu bixiyo Farmajo iyo heyada Nabad sugida murashaxii inuu culus yahay uu u arkana tartanka laga reebo Sida Axmed madoobe:

Lixdaas qodob hadaad ogoshihiin In Madaxweyne Farmajo ku maamulo Doorashada Federaalka ee 2021 Waxaa inoo furan wada hadal:

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here