Wararka Maanta

UPDATE: Senetor Faroole oo hadal kulul ku weeraray Farmaajo, ‘Ficilka maanta socda waa burburin’!

Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole /Sawir hore /Keydka

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Puntland, Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo khudbad ka jeedinaayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay horumarinta dalka.

Senetor Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed.

“Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweyne Farmaajo dib u heshisiiniin” ayuu yiri Senetor Faroole.

Ugu dambeyn, dhammaan Xaaladdaha Jahwareerka ah ee dalka ka jira ayuu sheegay in uu sabab u yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo aan diyaar u aheyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

<

One Comment

  1. Taasi waa run, Farmaajio burburinta ma horuu bailaabey. waayo Maamuladii dhisnaa ayuu burburinayaa, isagoo leh , kuwa i taageersan baan rabaa hadii doorasho dhacdo. meel xun buu ka bilaabey, waa ninkii aan shalay u sabcineyney. hadaba aan sugno wax yar baa dhiman qofkii noolaada.

    Reply

Post Comment