DAAWO SAWIRRO: Tobaneeyo Askar Kenyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Gaarisa

Gaarisa (Halqaran.com) – Ugu yaraan toban askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamadan oo howlgal ku jirey ayaa ka tegey xero ku taal Xarxaar waxaana ay ilaalo ka ahaayeen xadka kala qeybiya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada qarax lala beegsaday ayaa howlgallo amniga lagu sugayo ka waday deegaanada ku dhow xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan miinada ah wax ayna sheegeen in ay weerarkan ku dileen toban askari.

Afhayeen u hadlay ciidanka Kenya ayaa sheegay in ay jiraan askar uga dhimatay qaraxii dhacay isaga oo intaasi ku daray tirada dhimashada iyo dhaawaca ay dib ka soo sheegi doonaan.

“Waxaa jira saraakiil nooga dhimatay qaraxa, waxaana burburay gaarigii ay wateen” ayuu yiri taliyaha booliska Hillary Mityumbai.

Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in ay ciidamo geeyeen goobtii uu qaraxa ka dhacay ayna wadaan baaritaanno ay ku baadi goobayaan dadkii ka danbeeyay qaraxa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here