DAAWO SAWIRRO: Sidee maanta looga Xusay MUQDISHO Xasuuqii argagaxa lahaa ee ZOOBE?

0

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa Isniintii maanta magaalada Muqdisho laga xusay xasuuqii ka dhacay Isgoyska Ex Zoobe 14-kii bishii October ee sanadkii 2017, xaasuuqaas oo argagax iyo murugaba ku beeray bulshada Soomaaliyeed, dal iyo dibadba.

Laba sano ka hor maanta oo kale ayaa Isgoyska Ex Zoobe oo maanta loo yaqaano (14-ka October) waxaa ka dhacay qarax weyn, kaasoo galaaftay nolosha boqolaal ruux oo Soomaali ah. Qaraxan ayaa noqday kii ugu horeeyay oo dalka ka dhaca oo tiro intaasi le’eg ay mar qura ku dhimato.

Dadweyne fara-badan ayaa maanta isugu soo baxay Isgoyska 14-ka October, iyadoo isu soo baxaasi lagu xusaayay dadkii faraha badnaa ee lagu laayay qaraxii halkaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Ku-xigeenadiisa ayaa shacabka reer Muqdisho kala qaybgalay xuskaasi.

Duqa Muqdisho oo la hadlay dadkii halkaasi isugu soo baxay ayaa sheegay in ay murugada la qaybsanayan qoysaska dadkii halkaasi ku dhintay iyo dadkii kale ee ku hanti beelayba.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay in qaraxii Zoobe uu muujinayo amaba laga bartay sida ay kooxaha argagixisada u diidan yihiin nolosha iyo jiritaanka shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Jawaahir Baarqab, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu yeertay in si wadajir ah loola dagaalo kooxaha argagixisada, haddii ay halis ku yihiin noloshooda.

Isku soo wada-duub, Shacabka Soomaaliyeed ayaa inta ay nolol jirto illoobi doonin gumaadkii dadka aan waxba galabsan loogu gaystay Isgoyska Ex Zoobe (14-ka October).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here