Garyaqaan Aflagaado u geystay garsoorka Puntland oo maxkamad la horgeeyay!

0
Garyaqaan Muuse Cali Jaamac oo Maxkamad la horkeenay

Boosaaso (Halqaran.com) – Garyaqaan Muuse Cali Jaamac oo dhaliilay Hay’adda Garsoorka Puntland ayaa waxaa maanta la horkeenay Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa Axadii Garyaqaan Muuse Cali Jaamac ku xiray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo xarigiisa loo sababeeyay aflagaado uu u gaystay Garsoorka Puntland.

Garyaqaanka ayaa waxaa la tilmaamay in aflagaadadaasi uu ku kacay, xilli uu akhrinayay bayaan ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari, laguna dhaliilayay Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Muuse Cali Jaamac oo sidoo kale ka mid ah Siyaasiyiinta reer Puntland ayaa maanta Maxkamadda ka hor sheegay in waxa ay Xeer Ilaalintu ku sababeysay xarigiisa aanu ku keli ahayn. Muuse Cali ayaa isu difaacay haddii cid la xiraayo aanay ahayn in keligii oo qura la soo xiro.

Muuse Cali ayaa waxa uu xarigiisa u arkaa mid uu siyaasadaynayo Maamulka Madaxweyne Deni, oo siyaasad ahaan uu mucaaradsan yahay.

Garyaqaan Muuse oo nin cod kar ah ayaa dhawr jeer oo hore Warbaahinta gudaha ka weeraray Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here