WAR CUSUB: Xubnaha golaha Wakiillada Puntland oo go’aan culus ka qaatay Madaxweynaha Saciid Deni!

Shirka Jaraa’id ee qaar ka mid ah xubnaha golaha Wakiilada Puntland

Garoowe (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Xubnaha golaha Wakiilada Puntland oo Axaddii shalay shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay magaalada Garoowe ayaa waxa ay eedeyn kulul ugu jeediyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa ay sheegeen in xilligaan ay ka walaacsan yihiin halka loo wado Puntland oo laga weeciyey u jeedadiisa loo dhisay, isla markaana hoggaanka Puntland ay gacanta u gelinayaan dalal Shisheeye.

Qaar kamid ah Xildhibaannada ayaa waxaa ay sheegeen in dadka reer Puntland ay yihiin dad dowladnimada Jecel, hayeeshee Xukuumadda Madaxweyne Deni ay ku xiratay dad ku fashilmay siyaasada Soomaaliya.

Waxaa ay sigaar ah Madaxweynaha Puntland ugu eedeeyeen in uu taageeray doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo oo ay sheegeen in ay diiday dowladda Federaalka,iyaga oo sharci-darro ku tilmaamay doorashadaas.

Ugu dambeyn, waxaa ay sheegeen in xilligaan Puntland oo mudo 20 sano ka badan dhisan aan loo dumin dano dad gaar ah,waxaana ay sheegeen inay dhawaan tegi doonaan magaalada Muqdisho isla markaana ay xal u raadinahaa khilaafka soo noq noqday ee dowladda dhexe iyo Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here