Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka SUDAN oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay +SAWIRRO

Khartum (Halqaran.com) – Danjire Maxamed Isxaaq ibraahim ayaa maanta si ramsi ah Warqadihiisa aqoonsiga Safiirnimo ku wareejiyay Goddoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al- Burhaan, laga bilaabo maanta wixii ka dambeeyana noqonaya Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan

Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim markii laga gudoomay warqadihiisa Aqoonsiga u mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan, isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu noqda Safiir buuxa maanta, kana shaqeyn doono Xiriirka labada Dal ee soo jireenka ah Shacabka Soomaaliyeedna Abaal badan uhayaan Dowladda Suudaan oo dhan walbo ka taageertay.

Dhanka kale, Danjiraha ayaa ka codsaday in si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ku dhaqan sidii ay isaga kaashan lahaayeen kor ugu qaadi Sharafta qeybaha kala duwan Soomaalida ku dhaqacan Dalka Suudaan mar uu la hadlayay Warbaahinta Qaranka

Aqoonsiga maanta loo Aqoonsaday Safiir Maxamed Isxaaq ayaa waxaa ku wehlinayay Tiro Safiira ah, kuwaa oo ka kala socday Wadamada Caalamka Qeybahooda kala Duwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here