
Laascaanood (Halqaran.com) – 50 sano oo ka soo wareegatay, October-15- 1969, ayaa waxaa toogasho uu fuliyey nin Ilaaladiisa ahaa lagu dilay madxaweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Laascaanood.
Dilkiisa Kadib dhowr cisho waxaa taladii dalka la wareegay ciidmadii militariga ee uu hoggaaminayey allaha u naxariistee Jeneral Maxamed Siyaad Barre.
Haddaba, side ayuu u dhacay dilka madaxweyne Sharma’arke, xaalka dalkana sidee ayuu noqdey?
Weriyaha laanta Af Soomaaliga ee VOA-da Sahra Cabdi Axmed ayaa ka wareysatay ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Yuusuf oo dhacdadan usoo joogay.
Halka hoose ka Dhageyso Wareysiga:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Waxaas sheekadooda, wax loo baahan yhay ma aha, waxa waxaa ka sheekeeya Cadowga Somali khaasatan cdoga Puntland, dheeg uma jalaq siino, nin baa la diley, ninkii diley waa la diley wey dhamaatey, miyaad aragtay wax femilkiisii ah ee ka hadlaya, Siyaasad baa loo diley, sida loo maleynayo. soo celinta sheekadaas waa isku dey wax aan suurta gal aheyn ,iyo in reer Puntland wax lagu yeeleyyo, mana soconeyso.