DHAGEYSO: Puntland oo shaacisay inay xalineyso khilaafka DF Somaliya iyo Jubbaland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mr. Deni

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay ka qeb-qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Mr. Deni ayaa xusay, in Puntland ay mar walba horseed u tahay howlaha federaalka ee socda, isla markaana cid kasta oo diidan wixii ka dhacay Kismaayo ha ahaato dowladda Federaalka iyo kuwa kale ee ku sugan Kismaayo inay diyaar u yihiin inay isku soo dhaweeyaan.

“Puntland waxaa ay diyaar u tahay inay maamul goboleedyada oo dhan inay garab istaagto sida aad horay u ogeydeen, doorweyn ayaana ka qaadaneynaa, waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan sigaar ah kan u dhaxeeya dowladda iyo Jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo, balse an miisan ku laheyn Kismaayo‘‘, ayuu yiri Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya, xilli weli uu taagan yahay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, taasoo xoogeysatay, kadib markii uu Axmed Madoobe ku guuleytay markii labaad hoggaanka sare ee Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here