Wararka Jarmalka Wararka Maanta

Wiil 19 jir Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Jarmalka

Waa goobta lagu dilay Wiilka Soomaaliyeed/ Photo: Ellen Liebner

Plauen (Halqaran.com) – Maydka wiil 19 jir Soomaaliyeed ayaa waxaa laga helay magaaladda Plauen ee gobolka Sachsen ee dalkani Jarmalka, waxaana uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray tooreey lagu dhuftay.

Booliska Jarmalka ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilka Soomaaliyeed oo ay tuhuhsan yihiin in uu ka dambeeyo dilkiisa Shaqsi kale oo Soomaali ah.

Sidoo kale, dad yaqaanay wiilka la dilay ayaa iyana waxaa ay sheegeen in dilkiisa uu ka dambeeyey wiil kale oo saaxiibo ay ahaayeen,isla markaana inta badan ay wada socon jireen.

Weli lama shaacin Magaca Wiilka Soomaaliyeed ee Jarmalka lagu dilay iyo Shaqsiga ka dambeeyey dilkiisa, hayeeshee Booliska dalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku raad joogaan qofkii ka dambeeyey.

Inta badan Soomaalida ku nool qaar ka mid ah qurbaha ayaa waxaa ay la kulmaan dilal joogto ah, waxana dilalkii dalalka ugu dambeeyay ay ka dhaceen dalalka Ingiriiska Jarmalka iyo koonfur Afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment