R/Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda QM iyo Midowga Afrika

RW Kheyre oo Xafiiskiisa qaabilay Wafdi ka socda QM iyo Midowga Afrika.

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika oo Soomaaliya uga qeyb galayay shirka awoodsiinta haweenka iyo ka qeyb galka Siyaasadda.

Wafidigan oo ay horkaceyeen Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Amina Maxamed iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabishan arrimaha haweenka, nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop, waxa ay kala hadleyn masuuliyiinta ay la kulmeen arrimo kala duwan oo u badan xaaladda dalku uu marayo.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goobjoog ka aheyd kulanka Raiisul wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika dhexmaray.

Kulanka ayaa waxaa kaloo diiradda lagu saaray, dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa Dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay soo dhaweynta, waxa ayna bogaadisay guulaha muuqda ee lagu tillaabsanayo ee dhanka amniga, dhismaha nabadda, xuquul insaanka iyo dhiirri gelinta haweenka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *