DHAGEYSO: Taliyaha booliska oo ka hadlay xaaladda Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyay

0

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Taliyaha Booliska Degmada Dhuusamareeb, Cabdullaahi Xasan Cali ayaa sheegay in ay saakay degan tahay xaaladda guud ee magaalada, ka dib shaqaaqadii xalay ka dhacday magaaladaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in wax aan buurnayn uu ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana lagu guuleystay in la xaliyo, xaaladda magaaladana lagu soo celiyo mid caadi ah.

Taliyaha oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka war wareegay in si daahfuran uu kaga hadlo waxa sababay xaaladaasi cakiran, balse waxaa uu qiray in ay ka dhalatay hal baalooto/rasaas oo uu kor u riday askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, lana xaliyay arrintaasi, sida uu yiri.

Cabdullaahi Xasan Cali, Taliyaha Booliska Dhuusamareeb ayaa meesha ka saaray in Xoogaga Ahlu Sunna ay la wareegeen goobo, ka dib markii rasaaasta lagu weeraray Xero Inji, oo ka mid ah goobaha uu magaalada ka degan yahay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in Ciidamada Booliska Dhuusamareeb ay weli ku sugan yihiin Saldhiga Degmada iyo goobihii kale, ee ay horey uga jooggeen magaalada, waxaana uu si indho la’aan ah u beeniyay in ciidamadaasi wax xarumo ah laga qabsaday xalay, intii ay shaqaaqadu taagneyd.

Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa Magaalada Dhuusamareeb kaga sugan Madaxtooyada, Xarunta Shiirkoole iyo Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka carooday tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji, xilli uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug, oo sidoo kale ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunna.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here