XOG: 30 sano kaddib Soomaaliya oo 1.7 milyan oo Dollar ka heshay Shirkado Shidaal

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkadaha Shel iyo ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya Xirmooyin Shidaal ayaa 30 Sano kadib bilaabay bixinta Ijaarka Xirmooyinkaas ayaga oo bixiyay lacag dhan 1.7Milyan oo dollar Sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in lacagtaan hadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku heyso, islamarkaana Shirkaddahaasi ay diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan kaalintoodii Shidaalka Soomaaliya.

Maamulka lacagtaan waxaa habraac u ah heshiiskii Kheyraadka wadaaga ee DF Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda ku kala saxiixdeen sanadkii tagay Magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here