DHAGEYSO: Maxaa ka jira in C/raxmaan Odawaa uu ku jeestay Ahlu Sunna? + Arrimo badanna Kashifay!

Muqdisho (Halqaran.com) – Shir jaraa’id uu qabtay maanta oo sabti ah Musharrax Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa ayuu kaga hadlay Jahwareerka Siyaasadeed ee ka jira Galmudug.

Musharrax Odawaa ayaa Dawlada Dhexe ku eedeeyey inay Afduub ku sameeneyso Doorashada Galmudug oo si xor iyo xalaal u dhacdo lawada sugayey.

Waxa uu ka sheekeeyey Marxaladaha kala duwan ee Galmudug soo martay aas aaskeedii, Cunuqabateyn uu sheegay in la geliyey, Khilaaf la dhex dhigay Dadkeeda iyo Mas’uuliyiintii xilka heysay iyo Arimo Kale.

Musharrax Odawaa Ayaa Ahlusuna iyo Dawlada Dhexe Dalka ka jirta ugu baaqay inay joojiyaan xareynta Odayaasha Dhaqanka iyo Gudiyada ay magacaabayaan, loona turo dadka iyo Deegaanka.

Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaa soo hadal qaaday Ciidamada Dawlada ka daabushay Muqdisho Ee La geeyey Dhuuso mareeb oo 100-kii Askari u dambeeyey Saaka laga dejiyey Diyaarad garoonka Ugaas Nuur.

Si kastaba, hadalka Musharrax Odawaa ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada dhuuso mareeb Saxmad siyaasadeed oo ballaaran ka taagneyd Maalmihii lasoo dhaafay oo Dawlada Federaalka iyo Ahlusuna ka dhex oogneyd.

Halka hoose ka dhageyso Codka Musharrax Odawaa:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here