DEG DEG-SAWIRO=Wafdi Sahmin ah oo gaarey Degmada Berdaale Xaaladii fatahaada iyo saameyntii kadhalatey.

0

Baydhabo (Halqaran.com)-Dusha sare hawada ayaa ka dareemaysaa in daadad xoogan uu kajiro deeganada hoos yimada Degmada Bardaale ee Gobolka baay, Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo qeyb ka ah Taliyaha Sector 3-aad ayaa Maanta gaarey Degmadaasi Bardaale .
Waxana ay ukuurgaleyeen Xaaladaha Degmadaasi kajirta ,iyagoona Booqdey goobo kala duwan oo bulshada ay barakac ku yihiin hada ay ku jiraan oo guryahooda biyo kasoo barakiceyay,
wafuudka maanta gaartey Degmada Bardaale ayaa ah Guddigii gurmadka Fatahaadaha KG uu magacabey Madaxweynaha DGKGS. Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiir kuxigeenka wasaradda Ariimaha gargaarka maareynta iyo Masiibooyinka KGS Guddomiyaha gobolka Baay , Guddomiyaha degmada Bardaale ayaa shacabka ka wareystay Xaladahooda sida ay hada tahay.
Bulshada oo ku sugan Duleedka Degmada Bardaale oo saameyay daadadka oo hoy ay ka dhikteen geedka Ali garoobka , aya indhahaaga qabaneya Hooyooyin, da’a ah iyo Caruurtooda, oo deramo yer ku jiifa waxana ay ka warbixiyeen sida uu usaameyay daadadkan beladka soo galey.
Mohamed isaxaaq Araxase Guddomiyaha degmada Bardaale iyo Guddomiyaha gobolka Baay, Ali wardheere Abdiraxmaan ayaa ka warmey Xaalka ay ku sugan yihiin shacabka degmada bardaale ee gobolka baay.
Genaral Alemu Ayele oo ah taliyaha Ciidanka Amisom sector 3 ayaa shaagey in ka Amisom ahaan ay Door muhiim ah ay kaqaadan doonan sidii bulshada Degmada bardaale gar gaar loo gaarsiin laha ,waxana uu Sheegay in maanta ay soo gaarsiyeen daawoyin iyo Dhaqaatiir Bulshada degmada kala shaqeeya Caafimaadkooda.

Abdulkadir Sheekh Ali Baraka Wasiir kuxigeenka wasaradda gargaarka Maareynta Iyo masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya , ayaa sheegay in wax lala yaabo ay kusoo arkeen degmada Bardaale qof kastana looga bahanyahay in uu doorkiisa ka qaato sidii bulshadan loogu gurman lahaa.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here