Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DAAWO VIDEO: CCW oo Digniintii ugu cusleyd ka soo saaray dagaallada Galmudug + Shir Jaraa’id

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,  hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo Sabtidii maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay dagaal ka qarxa deegaanada Galmudug, gaar ahaan deegaanada ay maamusho Ahlu Sunna Waljamaaca.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa DF Soomaaliya ku eedeeyay in ay Ahlu Sunna uga baxday balan ay la gashay oo ahayd in la siiyo 35 xildhibaan sida uu habeen ka hor Dhuusamareeb ka qiray wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sebriye.

“Waxaa yaan darro ah in iyadoo masiibo qaran ay ka taagantahay magaalada Beledweyne ay dowladdu intii ay u gurman lahayd dadka dhibaateysan ay awoodeedii iskugu gaysay in ay xoog ku maquuniso Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo dhan‘‘. ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

2 Comments

  1. ASC.
    CCShakuur; “Waxaa yaan darro ah in iyadoo masiibo qaran ay ka taagantahay magaalada Beledweyne ay dowladdu intii ay u gurman lahayd dadka dhibaateysan ay awoodeedii iskugu gaysay in ay xoog ku maquuniso Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo dhan‘‘ °§*Hadde ninkaani la hadlimaayo dad fayoow WUXUU la hadla Caruur iyo Maan gaab. °CCShakuur Hadduu rabo inuu fadeexeeyo INA ADEERKI si Wasiirnimada looga qaado WAXAY AHAYD INUU DARIIQ KALE U MARO saa Dawladdu kama goobna HAL Wasiir kaliya oo Hadduusan joogi aysan shaqo soconayn BALSE waxaa jira masúuliyiin badan oo dabooli kara BOOS kasta. °CCShakuur adeer, intaad dhici karteen xoolihi Ummadda Waad dhcdeen adiga Xasan Sheekh Maxamuude Meel fariista intaan laydinka Matajin LAYDIN aragye. WBT

    Reply

Post Comment