XASAASI+ DHAGEYSO: Puntland oo ku dhawaaqday inay heshiisyo la galeyso Shirkado Ajnabi ah oo aan DF Somaliya soo marin! + (OGOW SABABTA)

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Dangoronyo

Dangoroyo (Halqaran.com) – Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland oo xalay hadal ka jeediyay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Puntland ay ku adagtahay in ay dowlado shisheeye heshiisyo maalgelin ah la gasho, maadaama aan Puntland caalamka laga aqoonsaneyn.

Madaxweyne Deni ayaa xusay, in weli Puntland ay haysato fursado kale, si ay u soo jiidatao Maalgeshiga caalamiga ah, isagoo xusay in xukuumaddiisu ay heshiisyo dhinaca maalgeshiga ah la geli doonto shirkado shisheeye oo sida uu sheegay ka waaweyn dowlaha qaar kood.

”Haddii ay adkaatay waxa la yiraahdo Bilateral-ka (in dowlado aan heshiis la galno) yaan heshiis lageli karnaa? Shirkado ayaan heshiis la geli karnaa. Adduunka waxaa jira shirkado dowladaha ka waaweyn”, ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Ugu dambeyn, Mr. Deni ayaa tilmaaya, in Puntland ay leedahay khayraad fara badan ,sidaasi darteedna khayraadkaasi looga faa’idaysan karo, in heshiisyo lala galo shirkadaha Maalgeshiga Caalamiga ah, si labada dhinacba uga faa’idaan.

Halka hoose ka dhageyso codka Madaxweynaha Puntland:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *