Muqdisho (Halqaran.com)- Dr. C/raxman Ducaalle Beyle wasiirka wasaarada maaliyada xakuumada faderaalka Soomaaliya ayaa maaanta waxa uu la kulmay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyada, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, waxay kulan Kula yeesheen xarunta Villa-Hargeysa.
Kalankaa oo Ajandihiisu Ahaa Su’aalo weydiin ku saabsan Ku noqoshadda Miisaaniyadda 2019ka ayaa wasiirka lagu hor dhigay dhowr su’aal oo ay xubnuhu u baahdeen in loo iftiimiyo.
Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay tiro su’aalo ah oo ay xubnaha gudigu weydiiyeen.
Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Mudane Maxamuud Cabdulaahi Siraaji.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com