KASHIFAAD: KENYA oo shaaca ka qaaday arrin sir ah oo ku saabsan wafdigii ka qeybgalay caleema saarka Axmed Madoobe!

Bixid, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta /Sawir hore/Keydka Halqaran.com

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay raali ka aheyd wafdigii Kenya ay u dirtay Ka qaybgalka xafladii Caleemo saarka aheyd ee Madaxweynaha Jubbaland.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa BBC u sheegay dowladda Soomaaliya wafdigaasi inay ogayd oo ay ka sii war haysay.

Kenya waxa ay sheegtay doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo inay aheyd mid xalaal ah, islamarkaana si nabdoon ku dhacday.

”Kenyaan-ka jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, ayuu yiri xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia oo la hadlayay BBC-da.

Macharia ayaa sheegay in diyaaraddii dhawaan ka degtay Magaalada Kismayo ee ka duusha dalka Kenya aysan ahayn mid laga leeyahay Kenya, oo ay tahay diyaarad Soomaaliya laga leeyahay, diyaaradaas oo Jubaland ay sheegtay in ay soo iibsatay.

Wuxuu kaloo hadalkiisa raaciyay Macharia, ”Diyaaradaas la sheegay in ay tahay diyaarad laga leeyahay dalka kenya, ma ahayn sidaas oo waxay ahayd diyaarad yar oo ay Soomaali leedahay, mana jirto in diyaaradaas ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here