Maxaa looga hadlay Shirkii golaha wasiirrada ee maamulka Jubbaland?

Shirka golaha wasiirrada ee Jubbaland

Kismaayo  (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM, iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada.

Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay sidii loo ballaarin lahaa xarunta wadaaga xogta taas oo wax badan ka taraysa isku xirnaanta dhinacyada kala duwan ee helista xogta cadowga.

Ugu dambeyn, ciidamada AMISOM ayaa la isku raacay inay tagaan furiimaha hore ee ay ka hawlgalaan Ciidamada Jubbaland, si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland oo ka howlgala inta badan deegaano aanay joogin Ciidamada AMISOM.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *