DEG DEG: Israsaaseyn xooggan oo Caawa ka dhacday Garoowe, & Xiisad iyo cabsi ka taagan magaalada + Khasaare

0

Garoowe (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaray magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in is rasaasayn xoogan ay caawa ka dhacday magaaladaasi, taasoo baqdin ku dhalisay bulshada deegaanka.

Wararka ay haleyso Halqaran.com ayaa sheegaya in is rasaasayntan ay ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland, taasoo u dhaxeysay ilaalada Baarlamaanka iyo ciidan kale, oo sida la sheegay ka socday dhinaca Madaxtooyada Puntland.

Ciidamo isugu jira boolis, PIS iyo Daraawiishta Puntland ayaa la soo sheegaya in ay weerar ku qaadeen ilaalada Xarunta Baarlamaanka, kuwaa oo taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda iminka gacanta ku haysa Xarunta Baarlamaanka Puntland, balse wararka ugu buuran ayaa sheegaya in ay ku sugan yihiin askartii horey u joogtay.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Garoowe uu ka socdo olole la sheegay in mooshin looga keenayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, oo khilaaf uu kala dhaxeeya Madaxtooyada Puntland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in caawa ay isgaarsiinta Magaalada Garoowe ay aad u ciriiri tahay, iyadoona baqdin xooggan ku abuurtay dadka deegaanka.

Si kastaba, shacabka reer Garoowe oo xasilooni u bartay ayaa ku argagaxay rasaasta xoogan ee caweysnimadii caawa laga maqlay Xarunta Gobolka Nugaal.

Ugu dambeyn, masuuliyiinta Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin is rasaasaynta caawa ka dhacday Magaalada Garoowe.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

XOG + DHAGEYSO: Taliyihii watay ciidamadii weeraray caawa xarunta Barlamaanka Puntland oo ka hadlay khasaarihii & wixii dhacay.

XASAASI + AKHRI: Madaxweynaha Somaliland oo kala eryay Wakiiladii ugu badnaa Abid (Ogow Ujeedka ka dambeeya)? + War-saxaafadeed

XOG XASAASI: Maxaa ka jira in ciidamo Jubbaland ka goostay ay isku dhiibeen Militariga Soomaaliya?

DAAWO VIDEO: Dr. Gaboose oo waxba u reeban Muuse Biixi, ‘isbaheysiga waa Shaar ay kaligood ku macaashaan‘!

Faah-faahin cusub weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday Saldhiga Ciidanka Awdheegle & Wararkii ugu dambeeyay

XOG: Waa goormee xilliga ay DF Soomaaliya qorsheysay inay bixiso shaatiga Shidaalka?

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here