Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DAAWO VIDEO: Kacdoono ka dhan ah Puntland oo ka bilowday bariga Sanaag, ‘Puntland yey ku tashan Sanaag’!

Baran (Halqaran.com) – Waxaa maanta ka dhacay magaalada Baran ee gobolka Sanaag, banaanbaxyo loogu soo horjeedo mooshinkii xilka looga qaaday guddoomiyihii  baarlamaanka Puntland, Cabdikariin Maxamed Axmed Dhoobo.

Banaanbaxaan ayaa waxaa ka qeybgalay, odayaasha waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baran, iyagoona sheegay, in aan la aqbali karin xil ka qaadistii maanta lagu sameeyay guddoomiye Dhoobo.

Waxay kaloo sheegeen, in aysan jirni wax la dhaho ‘Puntland‘ oo maantana lagu kala tagay, sida ay hadalka u dhigeen.

Xil ka qaadistii maanta lagu sameeyay gudoomiyihii baarlamaanka Puntland, ayaa waxa uu reebay saameyn, taasoo isla markiiba keentay in gobolada qaar ah go’aano ka dhan ah Puntland ay ku dhaqaaqaan.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Banaanbaxay iyo hadalada shacabka reer Baran oo aad u careysan:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

One Comment

  1. Haddba dhinac u orodka ,waad ku daaleysaane war maad joogtaan, waa dad aan siyaasad u bisleyn, saburna lahayn. meesha dadbaa is haya, ee wax kala jiid jiidanaya, dad gaara oo lagu jeedaa ma jirto. caqligu ha shaqeeyo. Puntland waxay dooneysaa in maamulkiinu istaago oo meel mar noqdo . maekaas ayaa ka rayn kartaa , cid kasta oo Garowe ka soobaxda, markii awoodiina isku xirnaantiina la arko. caqligu ha shaqeeyo.

    Reply

Post Comment