Ciidamada DF Somaliya oo ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Askari dilay darawal Bajaajle

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigeen askari ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo xalay dil toogasho ah ka gaystay Magaalada Muqdisho.

Ninkan askariga ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdulle ayaa waxaa uu xalay Degmada Cabdicasiis, gaar ahaan agagaarka Xeebta Liido uu ku dilay darawal mooto bajaajle, oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Siciid.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu murun soo kala dhexgalay askariga iyo darawalkii mooto bajaajlaha, taasoo keentay in askariga uu rasaas ku furo mooto bajaajlaha.

Wararka ayaa sheegaya in askarigaasi oo ka baxsaday goobta uu dilka ka gaystay ayaa waxaa xilli dambe suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan askar ka tirsan Booliska Degmada Cabdicasiis.

Askari ka tirsan booliska degmada Cabdicasiis oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Yaxye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in laamaha amnigu ay su’aalo weydiinayan askarigaasi oo iminka gacanta lagu hayo,  kadibna la qorsheynayo in la horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si ay sharciga ugu qaaddo.

Si kastaba, askar ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka baxsaday gacanta sharciga, ka dib markii ay Magaalada Muqdisho ku dileen qaar ka mid ah darawalada mooto bajaajta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here