DAAWO VIDEO: Cabdi-xakiin Dhoobo-Daareed oo markale ku celiyay inuu yahay guddoomiyaha Sharciga ah!

Mudane Cabdi-xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-Dareed /Sawir hore/Keydka HQ

Xingalool (Halqaran.com) – Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdi-xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-Dareed oo dhawaan ay xilka ka qaadeen baarlamaanka Puntland ayaa Sabtidii galabta Shir jaraa’id ku qabtay degmada Xingalool, wuxuuna ugu hadlay arrimo badan oo ay ku jirto xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Dhoobo-Daareed wuxuu shirkiisa jaraa’iga si qoto dheer uga hadlay qaabka xilka looga qaaday oo uu sheegay inay ahey mid sharci darro ah, weerarkii ay dadka ku dhinteen ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland iyo waxa uu qorshihiisu yahay iminka.

Mr Dhoobo-Daareed ayaa yiri, ‘‘Puntland waxay u baahan tahay bad-baado‘‘ isagoona wadatashi ugu baaqey bulshada gobollada Sanaag iyo Haylaan.


DAAWO SAWIRRO: Shariif Sh. Axmed iyo Wafdigiisa oo ugu dambeyn goor-dhow gaaray Baledweyne


Cabdi-xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-Daareed ayaa ku celceliyay inuu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee baarlamaanka Puntland, isagoo sharci darro ku sifeeyay tallaabadii xilkga looga qaaday.

Ugu dambeyn, wuxuu saxaafadda ugu baaqay, in aan loogu yeeri karin guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, balse uu yahay midka sharciga ah ee hadda shaqeeya, sida uu ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Dhoobo-Daareed:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here