Editorial Wararka Maanta

Nin Xil Qaaday Eed Qaad!

Maqaal (Halqaran.com) – Xil qabashadu waa dhib, cadow badana way kasabtaa. Saaxiibkaada maantana wuxuu noqon karaa cadowgaada berry.

Tusaale ahaa, Gudomiyihii Baarlamanka Puntland intii yarayd ee xukunka hayay wuxuu kasbaday caro iyo colaad uga timid madaxwayne Siciid Deni, iyo xildhibaanadii saaxiibadi ahaa ee uu isku hallaynayay. Ilaa markii dambe xilkii looga qaaday si xoog ah oo dhiig ku daatay.

Siciid Deni sidoo waxa khal-kal galiyay oo ka caraysiiyay xildhibaan ka tiran Barlamanka Puntland oo waydiiyay su’aalo salka ku haya isla xisaabtan ayaa sababay in Siciid Deni xanaaqo oo isaga baxo fadhgii Baarlamanka. Madaxda Somalidu miyaysan garnayn in xaq loogu leeyhay in lala xisaabtamo. Iyo in haddii aysan rabin in lala xisaabtamo ay tahay inay xilka isaga degaan.

Waxaa is waydiin leh, haddii ninkii xil dhadhamiyaba uu rabo inuu soo noqdo kii xil qabtana uusan rabin inuu ka dego, maxaynu waddanka isaga bur-burinay oo Siyaad Barre ugu qabsanay kursiga? Sow ma ahay wixii Siyaad Barre lagu eedeeyay waddankeenuna eersaday xil aan laga degayn.

Keli teliye oo dhan meel uu rababa ha joogee waxa xukunka laga qaadaa isagoo aan raalli ka ahayn inuu si nabad ah xilka ku wareejiyo. Bal dib u fiiri sidii Siyaad, Qadafi, Saddam, Mubarak, Bin Cali, Cali Cabdalla Salax iyo kuwa la mid ah xukunka looga qaaday iyo meeshay ku dambeeyeen. Waa suuragal in Siciid Denina muto sidoo kale.

Madax iyo culimo ganacsato ah xilka si sharicaga um ilaalin karaan Madaxda iyo culimada haddii ay ganacsato noqdaan way adkaanaysaa in la kala saaro shaqadii qaranka iyo danihii ganacsiga. Sidaa awgeed waa in la diiwaan galiyo nooc walba oo hanta ah oo u leeyahay qofka xil ka qabanaya dalka si loogula xisaabtamo haddii uu boobo, dhaco, ama xado hantida guud.

Side u dhici kartaa in madaxda Soomaaliya oo haya xil mushaarkiisu uusan ka badnayn dhowr kun oo Dollar inay haystaan malaayiin Dollar, ama dhistaan guryo malaayin kale lagu dhisay. Qaar badan oo madaxda mucaaradka ah waxay guryo malaayiin Dollar ah ka dhisteen Turkiga, Kenya, Imaraatka, Malaysia, iw.

Waxaasi sow xatooyo xoolo dadwayne iyo dhac bareer ah ma aha? fYaa la xisaabtami doona goormaase lala xisaabtami doonaa?

Sayid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu yiri:

“Culimada Sidii Baaniyaal Beledka Gaalka Joogta Baabkii Allaa Laga Aqriyay Inay Baloobeen Belelka Naareed Inay Guban Ba’a’ E’ Yaa U Sheega”

Haddaba ilaa culimada, madaxda iyo shaqaalaha dawladdu ay faraha kala baxaan ganacsiga, way adkaanaysaa si dawladdu u hagaagto, waayo haddii culimada iyo madaxdu ganacsiga faraha kula sii jiraan waxa iska hor imaanaya sidii ay u kala sooci lahaayeen danta ganacsigooda iyo waajibaadka ka saaran gudashada xilkooda qaran.

Xilka Mucaardka Mucaaraka ujeedadiisu ma aha inay noqoto sidii kursiga looga qaadi lahaa qofka markaas xilka haya ee waa inay noqoto in ay la imaan karaan wax qabad ka wanaagsan kann xukuumadda markaas jirta. Mucaaradku waa inay shacabka ka dhaadhicin karaan program si dhab ah oo wax ka beddali kara nolosha, nabadda, dhaqaalaha, horumarka, midnimada, iyo qaranimada dalkooda iyo dadkooda.

Tusaale ahaan, mucaaradka hadda jira waxay mar walba ka hadlaan ciidamo dawaladuu dhisayso ama qorayso oo aysan iyagu ku qanacsanayn, laakiin mucaarad iyo muxaafidba waa inaan fahamnaa in dawlad aysan sii jiri karin ciidan la’aan, ciidankuna wuxuu u baahan

yahay dhaqaale iyo hub uu ku difaaco dalka gudihiisa iyo xuduudihiisaba. Sidoo kale musuq-maasuq la’aan, iyo cadaadalad la’aan dawlad ma sii dhisnaan karto. Dawlad la’aana bur-bur baahsan oo dalka oo dhan ku habsada ka dhasha. Taasina waxay keenaysaa inaan jilicno cadowgeena, ha ahaado shisheeye ama sokeeye.

Maxaa xal u ah xil jeclaysiga?

  1. Xalka Soomaaliya waa in oday dhaqameedyada laalush cunka laga qaado fursadda loo siiyay ina xildhibaanada beeshooda soo xulaan.
  2. In madaxda degmooyinka, goboallada, iyo kuwa maamul goboleedyadu ay kulligood ku yimaadan doorasho qof iyo cod ah.
  3. In xuquuqda ay isku leeyihiin dawaladda dhexe, maamul goboleedyadu,

degmooying, iyo goballadu ay noqoto labo jihoolay ah, oo kor iyo hoosba u socon karta.

  1. In qofka xilka qabanaya la xisaabiyo hantidiisa oo dhan inta uusan xilka qaban iyo ka dib markii uu xilka ka dego, wixii uu dhunstado ama dheeri ku ahna laga soo celiyo.

Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyin la mid ah kuwa maamul goboleedku ka qaadi karo dawladda dhexe, ay degmooyinka iyo gobollada maamul goboleedku ka qaadi karaan maamul goboleedkooda. Ilaa heer joojin wada shaqayn!

Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagana loogu xad gudbin oo u ilaashan karo xuquuqdiisa.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment