Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DHAGEYSO XASAASI: Puntland ‘‘Ciidanka wax saameyn ah kuma yeelan xil ka qaadistii Dhooba-Daareed” & Somaliland oo loogu hajnabay in …

Sareeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur

Garoowe (Halqaran.com) – Sareeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo ah taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag ayaa sheegay in ciidamada aan wax saameyn ah ku yeelan karin xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Dhooba-Daareed.

Taliyaha ayaa meesha ka saaray, in aysan jirin wax ciidamo ah oo Somaliland ku noqonaya.‘‘Wararka la leeyahay Somaliland baa ciidamo ku noqonayaan iyo wax la mid ah midna ma ogin, ciidamadu waajibkoodii iyo shaqadoodii way heystaan‘‘ ayuu yiri S/Guute Cabdullaahi Cumar Canshuur.

Sidoo kale, wuxuu carab dhabay, in ciidamada dhammaan ay ku sugan yihiin fariisimahoodii hore, ayna ku sii nagaanayaan meeshoodii.


XOG XASAASI: Shariif Sh. Axmed ‘‘Wallaahi waan ka bixineynaa DFS Muqdisho, haddii aysan dulmiga joojin”

‘‘Ciidamada dhammaan waxa ku sugan yihiin fariisimahoodii awalna waa ku sugnaayeen, haddana waa ku sugnaanayaan, howlaha siyaasadduna wax ciidanka u yaalla maaha‘‘ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliye Canshuur.

Geesta kale, Sareeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur ayaa Somaliland ugu baaqay in ay ciidankeeda kala baxdo deegaanka Yubbe ee bariga magaalada Ceerigaabo, iyagoo halkaasi ay qabsadeen ciidamada Somaliladn 11-kii bishii Maarso ee 2019-ka.

‘‘Somaliland waan u sheegnay uguna baaqnay, wixii halkaa dhibaato ah iyo khasaaro ka yimaada inay iyagu mas’uuliyadeeda qaadayaan, waxaana ku raja weynahay si dhaqso ah in ay u qaataan ciidamaooda oo halkaasi ka jooga‘‘, ayuu yiri taliye Canshuur.

Wuxuu ugu hanjabay, in tallaabo adag laga qaadi doono ciidamada Somaliland ee halkaasi ka jooga, hadddii aysan kala bixin ciidankooda deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag sida ugu dhaqsiyaha badan.

Halka hoose ka dhageyso Codka Sareeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

XOG: Shariif Sh. Axmed ‘‘Wallaahi waan ka bixineynaa DFS Muqdisho, haddii aysan dulmiga joojin”

DHAGEYSO: Madaxweynaha Hirshabelle ‘Waare‘ oo Kashifay arrin uu Khadka teleefanka kala kulmay Xasan Sheekh!

DAAWO SAWIRRO: Shariif Sh. Axmed iyo Wafdigiisa oo ugu dambeyn goor-dhow gaaray Baledweyne

SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay mashruuca dayactirka waddada isku xirta Garowe iyo Bosaso

LAYAABKA DAAWO SAWIRO: Dal soo saaray Khamri loo bixiyay Somaliya & Suuqyada oo si caadi ah loogu iibinayo!

Ra’iisul wasaare ‘Kheyre’ oo galabta u ambabaxay dalka Faransiiska (Ogow Ujeedka Safarkiisa)?

XOG CUSUB: Maxaa lagu heshiiyay kulankii dhexmaray Saciid Deni iyo Suldaanka guud ee Beesha Warsangeli?

XOG XASAASI: ‘‘Garoonka Aadan Cadde ma noqon karo mid la mid ah isbaarooyinkii ka jiray dalka‘‘! waxa yiri..

DEG DEG: Madaxda Jubbaland iyo wafdi ka socda beesha Caalamka oo kulan uga socda madaxtooyada Kismaayo (Maxaa cusub)?

DAAWO VIDEO: Cabdi-xakiin Dhoobo-Daareed oo markale ku celiyay inuu yahay guddoomiyaha Sharciga ah!

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Post Comment