Awdal (Halqaran.com) – Markii ugu horreysay waxaa Warbaahinta la hadlay Saraakiisha Hoggaaminaysa Jabhadda (Cawaale) ee looga dhawaaqay galbeedka Somaliland, Kuwaasi oo sheegay inay Gacanta Somaliland ka bixin doonaa Gobolada Awdal iyo Salal, iyagoona soo bandhigay Cududooda ciidan.
Sarkaakiisha ayaa sheegay inay Naftooda u hurayaan, Waxayna xuseen in Jabhadii SNM ee dagaalka gashay ay markii hore ku bilaabatay dhowr qof.
Shacabka Gobolka Awdal ayaa ugu baaqeen inay Isku diyaariyaan Duulaanka ay ku soo qaadi doonaan Gobolka ee ka dhanka ah Xukuumadda Somaliland ee uu madaxweyne ka yahay Muuse Biixi Cabdi.
Halka hoose ka daawo Muuqaalka Jabhada Cawaale:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com