XOG CUSUB: Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya ‘Geedi‘ oo jawaab kulul ka bixiyay hanjabaadii Sheekh Shariif.

0
Ra'iisul wasaarihii hore ee Somaliya, Cali Maxamed Geedi
Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya, Cali Maxamed Geedi

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dareen ka muujiyay farriintii dhiilada xambaarsaneyd ee Axadii ka soo yeertay Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed oo caro ka muujiyay tallaabadii Axaddii shalay loogu xanibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli wafdigiisa ay ku sii jeedeen Magaalada Baledweyne ayaa ku hanjabay inay dagaal la galayan dowladda, haddii aynaan joojin sida ay ula dhaqmayso.

Mr. Geedi oo ka duulaya hadalka Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu niyad jebinayo dadka Soomaaliyeed.

“Hadalada ka soo yeeraya Siyaasiyiin iyo Xisbiyada waa kuwo niyad jebinaya dadka Soomaaliyeed umana dul qaadan karaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Geedi.

Wuxuu Cali Maxamed Geedi wax nasiib-darro ah ku sheegay in dowladnimadii ay shacabka doonayeen loogu bedelo ereyo ka niyad jebinaya.

“Waa nasiib-darro in shacabka dowladnimadii ay doonayeen loogu bedelo ereyo ka niyad jebinayo.” Ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geedi oo Saxaafadda ka soo muuqday ayaa Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran ugu baaqay inay joojiyan hadalada xasaradaha abuuri kara, halka Dowladda Federaalka uu ugu baaqay inay xushmad u muujiso Madaxdii hore ee dalka.

Ugu Si loo xushmeeyo madaxda maanta marka ay xafiiska ka taggaan ayuu sheegay in looga baahan yahay inay iyaguna u ixtiraamaan madaxdii shalay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here