DEG DEG + XOG: Madaxweyne Saciid Deni iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje oo Kulmaya, arrimo Xasaasi ahna ka hadlaya

0

Garoowe (Halqaran.com) – Warar hoose oo ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in caawa kulan xasaasi ah dhexmari doono madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ah Beeldaajaha beelaha Cali Saleebaan.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa, arrimo ay ka mid yihiin khilaafka Shirkadda Qandaraaska ciidamada badda dowladda Puntland ee PDG.

Shirkadda Qandaraaska ciidamada Badda Puntland haysatay ee loo yaqaano PDG, ayaa saamiga ugu badan leeyihiin ganacsato kasoo jeeda Beesha Cali Saleebaan, waxaana ay hadda ciidamo ku aruuriyeen gudaha magaalada Boosaaso, tasoo xaaladda sii adkeysay.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa, in kulanka labada dhinac la-filayo in uu dajin u noqdo xaaladda taagan, waqti ay jiraan arrimahaas oo kacsan, waxaana dawladdu ay waqti galinaysaa sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka, iyadoo maalmo ka hor Madaxweynaha Puntland ogolaaday qeyb kamid ah waxyaabaha ay isku hayeen shirkadan iyo dawladda.

Maleeshiyaad gaar ah oo ay leedahay shirkada PDG ayaa ku sugan xarunta shirkadan, kuwaas oo habeen kahor rasaas lagu furay si xoog leh uga jawaabay, waxaana horey u jiray kulamo is afgarad la’aan ku soo dhammaaday.

Si kastaba, waxaa shaki weyn ay kala qabaan ganacsatada iska leh saamiga ugu badan ee shirkada PDG iyo Madaxtooyada Puntland, waxayna u arkaan in ay Madaxtooyadu gaar ula dagaallamayso saamigooda oo ay doonayso in ay la wareegto.

Ugu dambeyn, Kulankan, haddii ay ka soo bixi waayaan xal rasmi ah oo ay gaaraan Madaxweynaha Puntland iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil waxay ka dhigan tahay in ay tahay kulankii u dambeeyey oo xal loogu raadinayay xiisadda ka dhalatay qandaraaska ciidamada Badda Puntland.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

DAAWO MUUQAAL: Xasan Daahir Aweys oo weeraray Sheekh Shariif, ‘‘Madaxweyne Sheekh Shariif Waa Qiyaanoole Daneyste ah‘‘

DAAWO VIDEO: Hoggaamiyaha Jabhadda Aare ee Somaliland oo wareysi xasaasi ah bixiyay iyo dagaal ka dhan ah Somaliland

DAAWO VIDEO: Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay Shirka QM ee Horumar iyo Dadweynaha

UPDATE: Maxaa ka taqaanaa hoggaanka cusub ee Jabhadda ONLF ee la doortay?

MAQAAL XIISO LEH: Soomaaliya xiriir ma la samaysan kartaa Israel!

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here