UPDATE: Maxaa ka taqaanaa hoggaanka cusub ee Jabhadda ONLF ee la doortay?

0
Guddoomiyaha cusub ee Jabhadda ONLF, Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Madeey

Adis Ababa (Halqaran.com) – Jabhadda ONLF ayaa waxa ay dooratay Guddoomiye cusub, kadib shir saddexdii maalmood ee la soo dhaafay u socday oo ugu dambeyn hoggaan cusub loogu doortay.

Hoggaanka cusub ee ONLF loo doortay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Madeey ayaa loo doortay Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF .

Xubnaha ONLF ayaa u codeeyay in hoggaanka cusub uu noqdo shaqsigaan, iyadoo doorashada xalay ay dhacday.

ONLF oo muddo badan u dagaalamaayay xuriyada deegaanka Somalida ee dalka Itoobiya ayaa hadda wax ka bedelay Siyaasadooda, kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya.

Sidoo kale, shirarkii maalmihii la soo dhaafay u socday Ururka ayaa wax ka bedel loogu sameeyay xeer hoosaadka ONLF.

Jabhadda ONLF ayaa doonaysa inay saami qaybsi buuxa ka helaan Siyaasadda dowlad deegaanka Somalida, waana sababta keentay isbedelkaan Ururka in lagu sameeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here