Madaxweyne Farmaajo: ”Dowladeena waxa ay ka socon la’dahay Siyaasiyiin shaqo doon ah”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa hadalo kulul ku weeraray Siyaasiyiinta Dhalishan Maamulkiisa.

Mar uu la hadlayay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayuu sheegay in dowladdiisu ka socon la’dahay siyaasiyiin xanaaqsan oo shaqo doon ah, Maleeshiyaadka Al-shabaab, iyo qaar kamid ah maamul Goboleedyadda.

”Waad ogtihiin hadda Annaga iyo Ra’iisal Wasaaraha muddo saddex sano ku dhawaad ah wada shaqeynteenu wey wanaagsan tahay, waxaan rajeynayaa mudadda dhiman in aan sidan ku dhameysano, sidoo kale Baarlamaanka laftirkiisa wax qabad ah kama taagna, iyadoo haddana howlaha iyo shaqooyinka hay’addaha dowladdu yihiin kuwo kala madax-banaan,

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhanka kale sheegay in Siyaasiyiinta Soomaalida ee shaqo doonka ah ay mar walba maamulkiisa ka dhaliilaan baraha bulshadda Sida Facebook iyo qaar kamid ah idaacadaha.

”Soomaaliya marka aad eegto afartii Sano -ba waxaa imanaya siyaasiyiin cusub, kuwii hore-na ma tagaa, waa ay shaqeynayaa, tiradooddana aad ayeey u badan tahay, haddii aad is dhahdo 10 ama 20  la macaamil 1000 kale ayaa bannaanka taagan oo careysan, oo Idaacadaha hortaagan oo Facebook -yada hor taagan oo kuligood shaqo doon ah waliba shaqada ay rabaa tahay mid ay horay u soo dhadhamiyeen, ”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here