Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo maanta la doortay

2
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ee maanta la doortay.

Garoowe (Halqaran.com) – Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Khamiistii maanta waxa ay doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Doorasho qaadatay laba wareeg ayaa lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Wareega labaad oo doorashada ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ku guuleystay 4 Sano ee soo socota Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil kaas oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  uu helay 17 Cod.

Guddiiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kaas oo bedelay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Maamulkaas Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

2 COMMENTS

  1. Waxaan u hambayeynayaa Guddoomiyaha loo doortay afhayeenka baarlamanka Puntland Mudane Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil. Waxaan leeyahay Mudane waad u qalantaaye alla ha kugu asturo xilka culus oo laguu doortay. Waa hubaa inaad tahay hoggaamiye xilka geya oo ka soo dhalaali Lara. Alloow kugu xafid. Aamiin!!! Aamiin!!! Aamiin!!!

  2. Waxaan u hambayeynayaa Guddoomiyaha loo doortay afhayeenka baarlamanka Puntland Mudane Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil. Waxaan leeyahay Mudane waad u qalantaaye alla ha kugu asturo xilka culus oo laguu doortay. Waa hubaa inaad tahay hoggaamiye xilka geya oo ka soo dhalaali Lara. Alloow kugu xafid. Aamiin!!! Aamiin!!! Aamiin!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here