SAWIRRO: Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo heshiis cusub gaaray & qodobbo xasaasi ah oo la isla meel dhigay!

Nairobi  (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nairobi.

Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xidhiidhka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Sidoo kale, madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nairobi, isagoona tilmaamay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

Kulanka kadib waxay ku heshiiyeen labada madaxweyne:

  1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  2. In Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) Fiisaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)
  4. In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

DAAWO VIDEO: Xildhibaan Fowsiya Yuusuf oo si aan laga fileyn uga hashay hanjabaadii Sheekh Shariif

DEG DEG + DAAWO VIDEO: Feysal Cali Waraabe oo waxba u reeban Muuse Biixi‚ ‘‘Meel khatar ah ayuu dalka maanta ka laad-laadaa‘‘!

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo kulan xasaasi ah qasriga madaxtooyada kula yeeshay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka

XOG XASAASI: Maxaa ka jira in Villa Soomaaliya diyaarineyso ciidan lagu burburinayo Jubbaland?

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here