XASAASI+ SAWIRRO: Maxaa ka ogtahay Ujeedka ka dambeeya Safarka M/weyne ku-xigeenka Jubbaland uu maanta ku tagay Ceelwaaq, Gedo?

0

Ceelwaaq (Halqaran.com) – Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa Jimcihii maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ka dib markii ay ka amba baxeen Magaalada Kismaayo.

Wafdiga Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa waxay halkaasi ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada Ceelwaaq iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee halkaasi ka hawlgala.

Wafdiga Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo ay qayb ka yihiin Wasiiro iyo Saraakiil ciidan ayaa waxay halkaasi kulamo kula qaadan doonaan Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa waxaa uu Degmada Ceelwaaq ka soo muuqday, isagoo ku labisan dareyska ciidamada.

Booqashadan Maxamuud Sayid Aadan ee Degmada Ceelwaaq ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Khamiistii shalay uu Magaalada Kismaayo ka sheegay in Dowladda Somaliya ay Gobolka Gedo ku diyaarinayso ciidan, ay dooneyso in ay u adeegsato burburinta Jubbaland, sida uu yiri.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa wuxuu xilligaa sheegay in Ciidamada Militariga Itoobiya iyo Nabad Suggida Soomaaliya ay Gobolka Gedo ka wadaan arrin ka baxsan sharciga, sida uu yiri.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid ayaa wax nasiib-darro ah ku sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu burburinta Jubbaland u adeegsado Ciidamo Itoobiyaan ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here