DF Soomaaliya oo war ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka

0
Saciid Xuseen Ciid

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka iyadoo wasiirka wasaaraddasi uu sheegay in Khubaro loo dirayo goobahaas.

Saciid Xuseen Ciid oo manta Warbaahinta kula hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ayaxa uu dhibaato badan gaarsiiyay degaano ka mid ah gobolada Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool.

Waxaa uu sheegay in Ayaxa uu bilowday Bishii Julay ee Sanadkaan, islamarkaana Wasaarada ay waddo qorshe looga hortagaayo.

Saciid Xuseen Ciid ayaa tilmaamay in Ayaxa uu nabaadguuriyay degaano badan oo ay kunoolaayeen dad Xoolo dhaqato.

Wasaaradda Beeraha ayuu xusay in ay diyaarisay qorshe lagula dagaallamaayo Ayaxa, islamarkaana Koox ka socoto Wasaaradda ay u dirtay degaanada ay dhibaatadu ka dhacday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here