
Yubbe (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sananag ayaa sheegaya, in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay maanta la wareegeen deegaanka Gacan-maroodi oo ka tisran degmada Yubbe.
Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag Sareeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay qabsadeen degaanka Gacan-maroodi oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.
Wuxuu kaloo taliyuhu sheegay, in malayshiyaad tiradooda lagu qiyaasay 70 dagaallame oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhufaysyo ka samaysteen degaanka Gacan-maroodi oo dhanka waqooyi kaga beegan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.
Taliye Canshuur, ayaa Somaliland ay ku eedeeyay in ay xiriir hoose la leedahay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee halkaasi qabsadaay, wuxuuna xusay in ay xoojinayaan ciidamada Somaliland ee ku sugan Yubbe, kadib markii culays ka soo fuulay dhinaca Puntland.
Si kastaba, Sareeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur ayaa ku hanjabay, inay jawaab adag siin doonaan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab iyo Somaliland oo sida uu carab-dhabay is-garabsanaya.
Halka hoose ka dhageyso wareysiga taliye Canshuur:
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
DF Soomaaliya oo war ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka
Faah-faahin ku saabsan khasaaraha dagaalkii ka dhacay Calamada & Wararkii ugu dambeeyay caawa
Ma runbaa in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baledxaawo ay isku dhiibeen Al-Shabaab?
SAWIRRO: Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhiga oo tagay Awdheegle (Ogow Ujeedka)
DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Axmed Madoobe oo Digniin u jeediyay agaasimayaasha Jubbaland
WAR DEG DEG: Dagaal xooggan oo hadda ka socda deegaanka Calamada ee gobolka Sh/Hoose
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Shabaabka sanaag, Hargeysa ayaa laga soo diray, markii sanaag looga kacay ee ay dda hadii aysan ka fal celin carareen, ayey faaiidabideen in ay shabaab wax magacooda ku adeeganaya meeshaas dhigaa, waana deegaan Buuro, dhir iyo biya isku darsadey, si ay uga baxaana wey adagtahay, hadii aan hadda laga saari oo aysan kicin dadka deegaanka , isaaqa mucaarika ah ee degan daaroodka degan, hadda hadii aysan ka fal celin. walaahi meel fog ayey agaareysaa.