DAAWO VIDEO: Guddoomiye Cirro ‘‘Hargeysa waxa ka socda waa Fal Argagixisnimo, mana aqbalayno‘‘!

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxman Cirro oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in waxa Somaliland ka dhacaya ay yihiin Fal Argagixisnimo oo aysan ahayn fal dowlad ay sameeneeyso.

Mr. Cirro ayaa sheegay in xalay xabsiga la dhigay Mas’uuliyiin ka Tirsan Xisbiga, Sidoo kalana jirdil loo geystay xubno kale.

Sidoo kale, guddoomiye Cirro ayaa sheegay in haddii arintan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi aysan joojin ay noqon karto mid lagu kala tagi doono.

“Hadii arintan loo xalin waayo sida ugu macquulsan waxey keeeneysaa Kala-Tag, xukuumadu xaruntii xisbiga ayay la waregtay Iska-Rogeyaal dhagxaan ahna waxaa lagu jaray waddooyinka gala xarunta xisbiga Waddani, laakiin waxaa la kulanay rasaas ciidamadu ay ku rideen anaga iyo shacabkii banaanbaxayay”, ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Shirka jaraa’id Cirro iyo Banaanbixii maanta:

https://youtu.be/TbmhR6KZD7g

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *