DAAWO SAWIRRO: Kulan xasaasi ah oo maanta dhexmaray taliska booliska Soomaaliya iyo madaxda Amisom? + (Maxaase ka soo baxay)?

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa wuxuu Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Amb. Francisco Caetano Madeira.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Taliska Amisom ee Xalane ayaa waxay labada dhinac uga hadleen, sidii loo xoojin lahaa amniga, haddii ayba suurta-gasho in dalka ay ka qabsoomto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu Madaxa Amisom la wadaagay qorshaha ay ugu talagaleen inay ku sugayaan amniga doorashada iyo sida ay Ciidanka Amisom uga qayb qaadanayaan suggida amnigeeda.

Qoraal laga soo saaray Qaybta Warbaahinta Amisom ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla rog rogayn, sidii ay u wejihi lahaayen amniga doorashada dalka ka dhacaysa 2020/2021.

Kulankan ayaa waxaa labada dhinac ku wehlinayay Saraakiil ciidan iyo khubaro dhanka amiga ah.

Ugu dambeyn, waxaa adag in xilligan uu dalka ka qabsoomto doorasho hal qof iyo hal cod ah, marka aad eegto sida amniga dalka uu yahay ayaa waxay hadana labada dhinac samaynayan dadaalo ay ugu diyaargaroobayan xaqiijinayan amniga, haddiiba lagama maarmaan noqoto doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here