DAAWO VIDEO: Madasha Xisbiyada Qaran oo war deg-deg ah ka soo saaray shirkii Farmaajo & Madaxdii hore + Wixii lagu heshiiyay

Muqdisho (Halqaran.com) –  Madaxwaynihii  Hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka Warbixiyey Kulankii isaga iyo Sheekh Shariif ay Madaxtooyadda Qaranka kula yeesheen Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo looga hadlay  Xaalada dalka, Doorashooyinka, Amniga iyo Sidii meel looga soo wada jeesan lahaa.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka jara’aid uga warbixiyay warbaahinta kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay shir bilow ah guulna ku soo dhammaaday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in qoddobo badan ay ka wadahadleen Madaxweyne Farmaajo, balse muhiimadooda ay ahaayeen arrimaha doorashooyinka, khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada,dhowrista dastuurka,gobolka Banaadir,amniga iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Nuxurka Wadahadalkii dhexmaray madaxdii kulantay:

1- Doorashooyinka;

Kulanka ayaa la isku raacay in doorashooyinka ay ku dhacaan xilligoodii ayna dowlada iyo dhinacyada kale ee siyaasada dalkana ka qeybqaataan,kulamo kalana laga yeesho sidii waqtigoodii ay ugu dhici lahaayeen doorashooyinka.

2 –Khilaafka Dowlad Goboleedyada;

Waxa laga wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya dowlada Federalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo aan la carabaabin,waxana la isku afgartay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka jira dowlada iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhowrista Dastuurka dalka;

Waxaa laga wadahadlay arrimaha dastuurka iyadoo la isku raacay in la ilaaliyo dowlad,siyaasiyiin iyo shacab dastuurka dalka.

4- Qeybaha Ammaanka Dalka iyo Siyaasadda.

Waxaa laga wadahadlay arrimaha amniga iyadoo labada dhinacba ay isla oggolaadeen in aan la siyaasadeyn amniga dalka. Hay’adaha amnigana aysan siyaasada ku milmin oo ay ciidamada iyo hayadaha amnigana ka madax banaanaadaan siyaasada dalka.

5- Metelaada Siyaasada ee Gobolka Banaadir.

Ajandayaasha shirka waxaa kamid ahaa arrimaha gobolka banaadir,waxaana laga wadahadlay sidii dadka degen gobolka ay u heli lahaayeen xuquuqdooda metelaada siyaasada dalka madaxweynuhu inuu raali ka yahay ayuu sheegay.

6- La Dagaalanka Al-Shabaab

Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga dalka.

Ugu dambeyntii waxaa laga sheegay shirka jaraa’id in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu raaligelin ka bixiyay xayiraadii loogu geystey Madaxweynayaashii hore ee dalka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id Madaxweyne Xasan Sheekh:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *