Kooxo hubeysan oo weerar ku dilay shaqaale ka tirsan Jaamacad ku taalla Kenya

0

Mombasa (Halqaran.com) – Booliska Gobolka Xeebta ah ee dalka Kenya ayaa sheegay in laba ka mid ah shaqaale Jaamacadeed ay ku dhinteen kaddib markii weerar ay kala kulmeen koox loo maleynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Shaqaalaha la dilay oo laba Haween ah ayaa waxaa ay la socdeen Gaari ay leedahay Jaamacadda Ukunda ee Mombasa, waxaana la socday arday iyo Ciidan Boolis ah oo illaalinayay.

Larry Kieng, oo ah Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta ah ee Kenya ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay ku tuhmayaan in ay yihiin Al-Shabaabka ka dagaallama Kenya.

Weerarka ayaa shalay oo Talaado ahayd ka dhacay Xeebta Badweynta Hindiya halkaas oo ay ardeyda iyo shaqaalaha dhintayba ku sii socdeen Xarunta Jaamacadda.

Ururka Al-Shabaab ayaa gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada iyo shaqaalaha Ajaanibta weerar gaadmo ah ku qaada gudaha dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay waayahan dambe inay hoos u dhaceen weeraradii maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay ka fulin jirtay gudaha dalkaasi Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here