DAAWO VIDEO: Madasha Xisbiyada Qaran oo baaris dhab ah dalbatay in lagu sameeyo dilkii Almaas Elman

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay baaritaan dhameystiran ku samayso dilkii shalay galab Magaalada Muqdisho loogu gaystay Almaas Elman.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ku hadlayay afka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa wuxuu marka hore uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday Almaas Elman, oo lagu toogtay Xerada Ciidanka Amisom ee Xalane.

Wuxuu sheegay in Madasha Xisbiyada Qaran ay dalbanayso in baaris sax ah lagu sameeyo dilka gabadhaasi, isla-markaana aanay baaristu noqon mid lamid ah middii Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaa kaloo uu sheegay in natiijada baarista ay noqoto mid ay ku qanci karaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama gabadhaasi lagu dhex dilay goobta ugu nabadda badan ee dalka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in dilka Almaas Elman uu noqonayo kiisii ugu horeeyay oo ka dhaca Xerada Xalane, sidaasi daraadeedna ay doonayan in baaritaan adag lagu sameeyo.

Xildhibaan Fiqi ayaa muujiyay inay tani noqoneyso weji gabax, haddii Garoonka Aadan Cadde lagu nabad heli waayana ay la macno tahay inaanay jirin meel Soomaaliya ka mid ah oo lagu nabad-gelayo.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Madasha Xisbiyada Qaran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here