Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Kullan Xasaasi ah Yeeshay

Nairobi (Halqaran.com)- Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa kulan ku yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , kulanka Golaha ayaa inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya,iyo Arrimaha Doorashooyinka, oo la filayo inay ka dhacaan Sanadka 2020-ka iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira iyo Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin.

waxaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, isagoona ka hadlay arimaha Doorashooynka ka dhici doona Dalka 2020-ka.

James Swan ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in muhiim ay tahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan sharciga Doorashada iyo meel-marinta wax kabadalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhammaadka Diseember si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada 2020.

Kullan kaan ayaa ku soo aadaya xilli uu jiro wadahadal isfahan ah oo shalay ku dhaxmaray Magaalada muqdisho Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxda Xisbayada Qaran ee Mucaaraad ka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here