XOG: Maxaa ka jira in madaxweynaha Puntland uu safar deg-deg ah ugu socdo Muqdisho? (Ogow Ujeedkiisa)!

Waa shirkii Garoowe ee caleema saarkii madaxweynaha Puntland Saciid Deni /Sawir hore/Keydka HQ

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdillaahi Dani ayaa lagu wadaa inuu markii u horeysey u safro magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay madadweynaha Puntland.

Warar hoose oo ay haleyso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in Saciid Deni uu ka tanaasulay Mucaaridnimadii uu ku hayey Dawladda dhexe.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu Xiriir la sameeyay DF Soomaaliya, islamarkaana inuu garawsaday hagardaamada Soomaaliya ka soo gaaray dalalkii shisheeye ee uu la shaqaynayey.

Saciid Deni ayaa waxa uu codsaday inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,  uuna safar deg deg ah ugu soo baxo magaalada Muqdisho, taasoo laga aqbalay.

Socdaalka Madadweynaha dowlad goboleedka Puntland oo la filayo inuu todobaadkan noqdo ayaa ku soo beegmay, maalmo uun kadib kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah.

Si kastaba, Saciid Deni oo Shacabkii Puntland ku kacay, dhaqaalihii oo hoos u dhacay iyo midnimadii Maamulkaas oo meesha ka baxday ayaa ku qasbay inuu Tanaasul la yimaado. waxaana sidoo kale jira culaysyo kasoo wajahaya Puntland dhinaca gobollada Bari iyo Sanaag.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Dad ku kacay malaha, isna ma codsan in xamar uu aado, xarmaajio la hadlo. Madaxeynaha ayaa ka codsadey in uu xamar yimaado, arrinto waxay u badan tahay ka hadalka Gobollada Sool iyo sanaag, iyo xamar dad dacwo iyo qayla u tegey, Goboladaasi Waa Puntland, hadey hadey ka go,ayaan ee maamul ku heshiin karaan, cidina ma haysato. Galeyr oo hunguri wadaa qaylinaya. cidhogaankiisa ogolna lama arko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here