XOG XASAASI AH: Nabad sugidda Jubbaland oo Kashiftay inay jiraan ganacsato xiriir la leh Al-Shabaab

0
Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Jubbaland, Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa waxaa uu ka hadlay dhaqaale uu sheegay inay ganacsatada Jubbaland qaarkood siiyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan ganacsato xiriir dhow la leh Ururka Al-Shabaab, kuwaa oo sida uu sheegay dhaqaale ugu yabooha, una gudbiya xoggo.

Wuxuu kaloo taliyuhu sheegay, inaanan ganacsatada looga baahnayn baqdin ay ka qabaan maleeshiyada Al-Shabaab inay lacagahooda u siiyaan, isla-markaana aanay dheg jalaq u siinin in la dili doono, haddii aanay lacagahaasi bixin.

Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay haddii ganacsatada baqdin ay maanta Al-Shabaab ka qabaan u siiyaan lacago, berrina lagu amri doono inay shaqooyin u qabtaan amaba u fududeeyaan Shabaab, iyadoo markaasi loogu hanjabi doono haddii aanay qaban in la dilaayo.

Taliyaha ayaa ganacsatada reer Jubbaland uga digay inay furaan wado aan horey ugu furnaan jirin, oo sidii doono ay suurtagal tahay in looga fusho.

Taliyaha ayaa wuxuu ganacsatada ku amray inaysan jideenin wado kale oo dadweynaha ugu cadaalad doontaan Shabaabka hubeysan ee dagaalka dalka ka wada, haddii ay Shabaabku yihiin cadow gumaadaya shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn, Korneyl Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay inay hayaan cadaymo muujinaya xiriirka ay ganacsatada qaarkood la leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaase uu ku goodiyay inay goobahooda ugu taggi doonaan, haddii aanay joojin la shaqaynta Al-Shabaab.

Korneylka ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo gelinkii dambe ee Khamiistii uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here