TOP NEWS: Ninkii qaraxa ku xiray gaarigii ZOOBE ku qarxay oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay

Waa Sawirka Musiibadii qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 2018-kii/Sawir Hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Degmada Hodan ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan shaqsigii ka dambeeyay qaraxii lagu xiray gaari ku qarxay Isgoyska Zoobe.

Ninkan gaariga qaraxa ku xiray ayaa waxaa arkaayay shaqsiga leh gaariga, waxaana dhacday markii gaariga qaraxa uu ku xiray in la eryaday ruuxaasi.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa warbaahinta Halqaran.com u sheegay in ciidamada ay soo qabteen shaqsigii qaraxa gaariga ku xiray, kaasi oo hadda ku jira gacanta ciidamada ammaanka.

“Ninka Baabuurka qaraxa ku xiray waa la bursaday waana la soo qabtay, ciidamada ayaa la wareegay.” ayuu yiri goobjoogaha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Hodan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen ruuxii ka dambeeyay qaraxa gaarigaasi lagu dhajiyay.

Si kastaba, gaariga la qarxiyay ayaa waxaa lahaa Sarkaal ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana uu yaalay xilliga qaraxa gaariga lagula xiraayay ka soo horjeedka Hotel Safari.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here