PUNTLAND oo deg-deg guddi u magacowday waxyeeladii ka dhashay Roobabkii da’ay gobollada

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo Dowladdu ka yeelatay sidii wax looga qaban lahaa waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Labada Gole Dowladda , Hay’adda Wadooyinka Puntland, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee HADMA, Masuuliyiinta Mashruuca (TIS+ ee Hayádda USAID) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Puntland, waxaa lagu soo bandhigay warbixinaha hordhaca ah ee laga hayo khasaarikhii ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay ka Wadooyink go’ay sida Wadada Lafa Goroyo ee Gobolka Gardafuu, Wadada Laasqoray- Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo, kuwaasi oo ka shaqeyn doona wax ka qabashada khasaarihii ka dhashay Roobabka iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka waxyeeladu gaartay.

Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu ku baaqay Dowladd, Shacab iyo Hay’addaha deeqaha bixiya in dhammaan la isu taago sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan, oo ay ugu horeyso meelaha xaaladdaha adag ka jiraan sida Gobolka Gardafuu.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here